War Deg Deg ah: dil ka dhacay Muqdisho!!

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd askari ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Suuqa Ansalooti.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal dhalinyaro bastooladdo ku hubeysneyd ayaa fulisay dilka askariga waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka Dhacay.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa ku guuldareystay qabashadda raggii dilka geystay.

Amniga Magaaladda Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaa maalmihii dambe lagu dilay askar,iyo xubo ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!