War Deg Deg ah: Dagaal u dhaxeeya Farmaajo iyo Kheyre oo Baraha Bulshada ka Socda

Reading Time: < 1 minute

Sida ay MOL wararka ku heleeyso waxaa caawa baraha bulshada kusii xoogeystay olole u muuqda dagaal qorsheysan oo u dahxeeya MW Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay hormuud ka yihiin xubno si weyn u taageera labada Masuul.

Talabadaan oo looga shakisan yahay inay hoosta ka wadaan xubno u dhow madaxweynaha iyo Ra’iisal Wsaaraha oo xilal ka haya Madaxtooyada iyo Golaha Wasiiraada  ayaa ku bilowday ereyo lagu weerarrayo Xasan Kheyre, kadibna wuxuu u xuub siibtay qormooyin iyo maqaallo laysku eedaynayo, iyadoo lagu inta badan RW Kheyre lagu eedeynayo arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay inuu khiyaanayo Madaxweyne Farmajo.

Dhanka kala qaarka mida Wasiirada xukuumada  ayaa ayagana dhankooda dagaal ku qaaday Madaxweyne Farmaajo, Kooxdaas waxaa horseed u ah Khadiijo Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyada iyo isboortiska oo si aan gabasho lahayn ugu  ceynayso MW Farmaajo barteeda Bulshda.

Qaar ka mida dadka ololahan wada ayaa ah xubno beel ahaan ugu dhow madaxweynaha iyo RW Wasaaraha oo si weyn loogu bartay inay gacan-yareyaal u ahaayeen iyo qaar kale oo ku xiran Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waxaana markii ugu horeysay baraha bulshada laga dareemay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha uu mugdi soo kala dhex galay, iyadoo taageerayaasha labada nin ay qarka u saaran yihiin inay isku dhacaan

Labadii qormo ee ugu danbeysay oo wareegaya baraha bulshada ayaa ah qormo uu qoray nin lagu magacaabo Cali Yaasiin Gurbe oo u dhowaa madaxweynaha iyo wasiiradii hore ee Ganacsiga Khadra Axmed Ducale.