War Deg Deg ah Ciidankii xasilinta muqdisho ee ku sugnaa Xarunta Xisbiga Oo Hubka dhigis lagu sameeyay

Reading Time: < 1 minute

Wara goordhow naga soo gaaray Xarunta Xisbiga oo ku taala Degmada Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo aad ufarabadan oo ka tirsana kuwii xasilinta ee kusugnaan jiray isgoosyada muqdisho in hubka dhigis lagu sameeyay.

Ilo Xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in ciidankii xasilinta ee lagu xareeyay xarunta Xisbiga gabi ahaan hbukii laga qaaday waxaana sidookale la sheegaya in la dul dhigay ciidan ka tirsanmkuwa Malatariga Soomaaliya.

Sidookale ila wareedyo kale ayaa inoo xaqiijiyay inay socdaan qorshe gabi ahaa lagu bur burinayo ciidabnka xasilinta oo figrad ahaa dhisidooda lahaa ra’isul wasaaraha  Xukumada Xasan Cali Khayre.

Dhawaanahan waxaa jiray qilaaf Xoogan oo udhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Rw Khyare waxuuna qilaafkaas sameyn ku yeeshay Ciidamada Dowlada qeyba hooda kala duwan waxaana socdo xifaaltan adag oo udhaxeeyo Farmaajo iyo khayre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fashiliyay qorshayaashii Khayre oo ahaa inuu ku amar taagleeyo shacabka muqdiso waxuuna furay wadyooyin oo amray khayre in la xiro Waxuuna meesha ka saaray Ciidankii sida gaarka ah kaga amar qaadan jiray Khayre ee xasilinta iyagoona ugu danbeyn Maanta lagu sameeyay Hubla dhigis.