War deg deg ah: Ciidanka Boliiska JFS oo ay Cabsi Xoogan la soo Deristay? Sabab?

Waxaa Magaalada Muqdisho oo maalin walba la imaneysa weji hor leh ka bilaabatay in ciidankkii booliska gawaarida loogu xero Bambooyin. Saaka waxaa Gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska ee ka howlgala degmooyinka Muqdisho lagu qarxiyay Xaafadda Sei Biyaano, kaddibna markii bam loogu dhejiyey.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhejiska ayaa lagu xiray gaari yar oo ah nuuca loo yaqaano Kaarib waxaana gaariga iska leh Ciidamada booliska, si cadna ay uga muuqato Astaanta Ciidanka, waxaana qaraxa ku geeriyooday wadihii gaariga oo ahaa Askari ka tirsan Ciidamada degmada Hodan.

Gaariga qaraxay ayaa waxaa ku qornaa Sarkaal ka tirasan ciidanka Booliska, hasa yeeshee nasiib waanaag waa uu ka badbaaday qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dambi baarista ay su’aalo weydiinayaan Sarkaalka lahaa gaariga la qarxiyay iyo sida ay ku suurta gashay in waxyaabaha qarxa lagu xiro gaari booliska leeyihiin.

Horay ayey madaxda Fadhiidka ah ee dowladda ugu hanjabtay Taliyayaasha Ciidamada booliska oo shir la isugu yeeray dhowr bilood ka hor Saraakiishooda, waxaana  loo sheegay inuu xabsi uu muteysan doono Sarkaalkii gaarigiisa la qarxiyo, iyadoo loo heysanayo dambiga ah inuu dayacay gaarigiisa. Laakiin waxay su’aasha runta ahi tahay ma waxaa ciidanka ku jira saraakiil raba in gawaaridooda la qarxiyo, wadayaashooduna la dilo? Waa mar marsiiyo hogaanka sare ee ciidamada amaaanka iyo kan dowladdaba ay uga baxsanaayaan dambigooda ah inay dayaceen mas’uuliyaddooda.

Tan waxay muujineysaa beentii MW Farmajo oo ahayd waxaan meel u dhigeynaa hal milyan ciddii qarax soo sheegta iyo fashilka dowladnimo soo gaaray heerkii ugu hooseeyey kadib si caad loo dilayo raggii iyaga ammaanka ilaalin lahaa. Ciidankii waa gacan ku gabad shacabow maxaa kuu yaal?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here