War Deg Deg ah :Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku toogtay nin Madaxa looga jiro ama dhimirka La’a (FAAH-FAAHIN)

Wararka nagasoo gaaraya Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu dilay ruux dhalinyaro ahaa kaasi oo madaxa looga jiray,islamarkaana ay toogteen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada gaar ahaan Booliska.

Askari ka tirsan Ciidamada joogay isgooyska SANCA ayaa rasaas ku furay ruuxaan ka dib markii uu diiday in uu u yimaado,taas oo dadka deegaanka ka fajacisay.

Ciidamada dowlada ayaa dilal joogto ah waxaa ay ka geeystaan Magaalada Muqdisho,iyadoo aysan waxba ka qaban dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here