War Deg Deg ah:-C/wali gaas oo Diiday Fariin uu usoo diray Madaxweyne Farmaajo!!

Reading Time: < 1 minute

Xog hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kala hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas sida loo joojin karo dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aad uga xun yahay dagaalka ka socda Tukaraq wuxuuna Madaxweynaha Puntland ka codsaday in si kasta oo loo joojin karo dagaalkaasi lagu joojiyo.

Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa Madaxweynaha u sheegay in Puntland lasoo weeraray oo ay is difaaceyso, wuxuuna ka biyo diiday inay joojiyaan dagaalka.

Madaxweynaha ayaa hore Warsaxaafadeed uusoo saaray ugu baaqay Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.