War Cusub:-Farmaajo yaa ku amray in uu Hakiyo Kulanka Xildhibaanadda Baarlamaanka??

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa uu si deg deg ah u joojiyay kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen Xildhibaanadda baarlamaanka Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhowrkii Todobaad ee uu taagnaa mooshinka ka aamusnaa islamarkaana daaha gadaashiisa ugu jiray R/wasaare xassan cali kheeyre ayaa hadda banaanka is keenay ka dib markii uu ogaaday in Kheeyre uusan talo Faraha ku heeyn

Xassan Cali Kheeyre oo Marba geed cuskanaayo ayaa waxaa uu ku guuleeystay in uu ku qanciyo farmaajo kala dirista Mudanayaasha baarlamaanka waaana uu kala diray,tani uu jabineeyso dastuurka dalka islamarkaana beeylahineeyso Awoodiisa Mdaaxweynenimo

R/wasaare Xassan Cali kheeyre ayaa waxaa uu xoogga saaraya sidii uu ugu taqalusi lahaa Gudoomiye Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari,oo dalkaan wax badan usoo qabtay

Muqdisho Online ayaa waxaa ay Xariiro dhaw dhaw la sameeysay saraakiil ka tirsan Xafiiska R/wasaare Xassan Cali Kheeyre kuwaasi oo inoo sheegay in ay Xalay qadka Telfoonka ku wada hadleen Farmaajo iyo kheeyre ka dibna Go’aan lagu gaaray in Kullanka baarlamaanka la Laalo

dalka ayaa waxaa uu u muuqdaa mid sii galaya xaalad Deganaanshiyo La’aan iyo xiisado Siyaasadeed oo horleh,waxaana masuulyaddaasi ay saaran tahay Madaxweyne Farmaajo

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!