Waqtiga la dhaarinayo Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka oo la shaaciyay

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Doorashooyinka heer federaal ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo dhaarinta Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

“Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub.

Waxaan Xildhibaanada Sharafta leh ka codsaneynaa in Saacaddu markay tahay 10:00AM, ay isugu yimaaddaan Hoolka Teendhada ee Afisooni.

Waxaana si xushmad leh idiinka codsaneynaa inaad ilaalisaan waqtiga islamarkaana aad u soo diyaar garowdaan Munaasabaddaas”.