Waqti xileedka Muse Bixi ayaa maanta ku eg, taas oo ku soo aadayso iyada oo
Muuse Biixi uu markale ganafka ku dhuftay qorshe ay ula tageen gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif oo uu weheliyo gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali.
wararka ayaa sheegaya in labada gudoomiye ay Muuse Biixi u soo jeediyeen wada hadal dhexmara mucaaridka balse waa uu ka diiday isaga oo ku hanjabay inuu sugayo waxa dhici doona 13 November oo ku beegan maanta.
Sidoo kale xisbiyada mucaaridka ah ayaa dhankooda soo diiday ergo uu ugu tagay Cali Warancade oo waday dedaalo uu kaligii isku xilqaamay oo Muuse Biixi-na uu dhankiisa ka horyimid.
Waxa fashilmay dhamaan dedaaladii la doonayey in miiska wada hadalka layskugu soo celiyo mucaaridka iyo muxaafidka Somaliland, Muuse Biixi ayaana intooda badan ka horyimid.
Muuse Biixi iyo mucaaridka ayaa dhufayska iskugu soo jira iyada oo mudo xileedkii Muuse Biixi uu dhamaanayo maanta oo ah 13 November, waxaana la eegi doonaa waxa ay kala mutaan labada dhinac.