(DAAWO) Waqooyiga Muqdisho oo Looga Guurayo Ciyaal Weero Iyo Duqii oo Lo’ ku Maqan!

Reading Time: 2 minutes

Runtii waa wax la layaableh inay xaaladahan oo kale ay ka jiri karaan magaalo ay maanta ka jirto dowlad, waana nasiib darro weyn oo haysata gadka deggan degmooyinka Xamar qaarkood.

Ma jijiro reer aan wax laga dhicin ama maalin cad maryaha laga furan haba ugu darnaadeene haweenka iyo caruurta ku nool degmooyinka waqooyi Muqdisho oo loo tiriyo inay ku badan yihiin hal reer.

Yaaqshiid iyo  Kaaraan ma qaadan karaan telefoonnada iyo waxyaabaha ay haweenka xertaan xataa cuntada ayaa jidka looga qaataa mid bisil iyo mid ceyriin ah waana nasiib xumo weyn oo haysata magaalada Caasimadda gaar ahaan degmooyinkaas.

Dadka oo hadda soo cabsi beelaya ayaa waxay sheegeen inay muddo sugayeen in maamulka gobolka ee canshuurta ka gurtaa gurayaha iyo sandaqadahana ay u tirsan yihiin inuu wax ka qabto dhibaatadaan, hasa yeeshee ay ku hungoobeen. Heerka foolxumada gaartay ayaa waxaa ka mid ah in shabaab amaan loogu jeediyo suuqa xoolaha oo aan cid cid far ku taagi kartaa jirin, waxayna Caasha Suuley sheegtay inay sugayaan Warka ka soo yeeray Shabaab oo ah inay wax ka qabtaan ciyaal weeradaan xaaladooda. Waayo bey tiri  “maamulka Gobolka ayaa na dayacay dowladda dhexena uma tirsaneyn degmooyinka waqooyiga ku yaalla”.

Habeenkii lagama hoydo oo reer Waiba waxay ku nool yihiin cabsi iyo inaysan ilamhooda yo haweenkooda suuqa ka soo adeegan Karin.

Dadka qaar ayaa sheegaya in maamulka Gobolka iyo Kan degmooyinka ay iska warqabaan oo aysan kala jecleyn waxa dhacaya kol haddii canshuurta ay soo xarooneyso, ciddii diidana xabsi iyo dilba la iskugu dari kari sidii miskiinkii Xamarweyne. Degmmooyinka Yaashiid iyo Kaaraan ayaa waxay dadka qaar aaminsan yihiin in guddoomiyayaashooda ay dhibaatada qeyb ka yihiin oo  waliba mid kamid ah waxaa uu shaqaaleystay ciyaalka wax dhici jiray oo hadda ka mid ah ilaaladiisa.

In Maamulka gobolka uu ku mashquulo lo’ reero u xeran  iyadoo maanta Xamar la isla dhexmarayo  in Shabaab ay sheegteen inay la dagaalayaan ciyaaal weero taas oo dhaawac weyn ku ah dagaalka ay dowladda kula jirto Shabaab. Waayo waxaa la leeyahay xataa ciyaal weerada qaarkood iyagaa adeegsada oo ku dhex dhuunta.

Waxyaabaha naxdinta leh waxaa ka mid ah inay bilaabeen ciyaal weerada falal laga naxo oo ah intey haween soo qabtaan oo ay meel ku hayaan inta ay ka soo qabanayaan  nin sheekh iyo shariif, sheydaan iyo Sharwade kuu rabo ha noqdee, kadibna ay ku yiraahdaa haweentaan ka Zineyso haddii kale waan ku dileynaa (Muuqaalka ka daawo)

Isku soo duub Maamulka Gobolka Banaadir uma diyaarsana inuu wax ka qabto dhibaatooyinka magaalada waana in cidda Meesha ku haysaa uu ka furfuraa madaxweynaha oo isagu ah halka ugu dambeysa ee loo cawdo. Waayo arrinkaan waxaa uu fashilinayaa dadaalka ay wadaan dadka weerarka ku ah shabaab ee dowladda iyo Macawisley.