Waxaa afartii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalo Madaxda dalka Kenya ee Nairobi wafdi ama wakiilo ka socday Xassan Cali Kheyre. Shaqsiyaadkaan oo lagu sheegay in ay yihiin la taliyayaal sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ah kuwa isugu jira cadaan iyo madoow. Wakiiladaan ayaa intooda badan u dhashay dalka Norway.
Xog ay heshay shabakada MOL ayaa loo xaqiijiyay in shaqsiyaadkaan oo mushaar ka qaata xafiiska Xassan Kheyre ay u yimaadeen dalka Kenya in ay ka dhaadhiciyaan dowlada Kenya in colaada siyaasadeed ee ka dhalaty muranka bada uu Xassan Kheyre bari ka yahay isla markaana uusan mas’uul ka ahaynin colaada ka dhanka ah dalka Kenya. Madaxweyne Madaxweyne Farmaajo iyo Galaha Wasiirada Dowlada ayaan wax war u haynin ergada ka socota kheyre ee ku sugan dalka Kenya.
Wafdigaan oo la dajiyay hotelada kala ah Fairview Hotel and Palacina The Residence & The Suites ee magalaada Nairobi ayaa ah nooca loo yaqaabo “lobbyist”. Wakiilada waxa ay kulamo la qaateen qaar ka mida la taliyayaasha madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Kenya.
Xassan Kheyre ayaa waxa u dalka Kenya ku leeyahay hanti badan oo inteeda badan laga sameeyay beecinta kheyraadka dalka Soomaaliya. Sidoo kale Xassan Kheyer oo ay rajo kaga jirto in uu u tartamo jagada Madaxweynanimada dalka Soomaaliya aya waxa ku jirta cabsi ah in dowlada Kenya ay ka hortimaado rabitaankiisa. Waxa Jira balamo gaar ah uu horay ula galay dalka Kenya oo ku aadan muranka badda ee u dhaxeeya labada dalka laakiin uu fulinwayay.
Dhanka kale waxaa jira shirkado shidaal oo dano badan ka arka in la isku hayo Xassan Kheyre iyo Dowlada Kenya si ay danahooda gaarka ah u gaaraan.
Waxaa asbuucaan ka bilaabanaya dalka Kenya olole iyo barnaamijyo lagu amaanayo Xassan Kheyre iyo waxqabadkiisa. Warageysyadda waaweyn ee dalka Kenya ayaa waxa lacag farada daban lagu siiyay in ay qoraan maqaalo magac loogu sameeynayo Xassan Cali kheyre.
Waxaa naxiib xumo ah in dowladii uu isaga ka tirsanaa uu eedii ka dhalatay dacwada badda uu dusha ka saaro. Waxa iyadana nasiib xumo kale u ah dalka Soomaaliya, in Xassan Kheyre uu Madaxweynihii isaga soo magacaabay uu ku eedeeyo in uu mas’uul ka yahay qilaafka u dhaxeeya labda dal ee Soomaaliya iyo Kenya isaga oo ilaashana danahiisa gaarka ah.