Wakiilka gaarka ah oo ay dowlada Turkiga u qaabilsan arimaha Somaliland ayaa shirar lagsu sheegay inay yihiin wadatashiyo waxa uu kawada magalaada Hargeysa. Shirarkaan uu wado Safiir Harun Arslan ayaa waxa ay ku soo aadayaan iyada oo uu dagaal ka socdo qaybo kamida Somaliland.
Lama yaqaan ujeedada rasmiga ah uu safriirku xiligaan uga bilaabay Somaliland wadahadadala wadatashiga.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Turkiga u qaabilsan Somaliland mudane Harun Arslan.
Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud oo ku qotoma xidhiidhka guunka ah ee ay waddaagaan labada dal ee Somaliland iyo Turkiga. Waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhkaasi iyo iskaashiga labada dawladood gaar ahaan dhanka Garsoorka, maadaama Dawladda Turkigu tahay dawlad Islaam ah oo aynu wax badan iskaga mid nahay marka ay noqoto nidaamka Garsoorka, geesta kale guddoomiyaha ayaa tibaaxay xidhiidhka taariikheed ee ay wadaagaan labada dal.
Wakiilka ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay soo dhawaynta, waxaanu hoosta ka xarriiqay in ay dhankooda diyaar u yihiin in ay balaadhiyaan wada-shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga la xidhiidha Garsoorka iyo cadaaladda.
Waxaanu dhankiisa is-dul-taagay ahmiyada uu ku fadhiyo xidhiidhka taariikheed iyo xadaaradda ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Turkigu.
Waakiilka ayaa sidoo kale kulamyo la yeeshay wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland iyo xubno kamida dowlada Somaliland.