Reading Time: < 1 minute

Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb. Baashe Cawil ayaa ka hadlay warar  been buur ah oo ay faafisay DFS kaas oo lagu sheegay in isaga lagu xiray magalaada Nairobi ee dalka Kenya.  Safiirka Baashe ayaa beeniyay in la xiray, waxaanu sheegay in warkaasi been abuurka ah ay ka dambayso dawlada Farmaajo, isagoo sheegay in dadka Soomaalidu isaga sharaf ka mudanyihiin, qoraalka wakiilka oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-

WAR CELINTA WAR BEEN ABUURID AH 

Reer Soomaaliya ma habaar bey dan moodeen!

Way iska dhacdaa in marka albaabka siyaasadu soo xidhmo, oo beentii aan lugaha ku taagnay isa soo oodo, in dadka la isku dayo in la jaah-wareeriyo, oo waxaan jirin iyo riwaayad lagu mashquuliyo.

Dadka Somalia anigu ma aflagaadeenayo, oo sharaf bay naga muddan yihiin, laakiin qolyaha Dawladda Somalia ee Nabar iyo Naxdin waxa aan leeyahay beenta aad shacabka ku shubaysaan iska daaya,

Aniga layma xidhin, waxaan muddo labo bilood ahna aan joogay Dalka Imaaraadka Carabta, oo ay iigu dhacay xayiraadii COVID 19 si lama filaan ah.

Waxaan ahay Wakiil matala Sharafta iyo Karaamada Shacab iyo dawladd ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dawlada Kenya iyo Somaliland na waxa ay leeyihiin cilaaqaad soo jireena, oo oo ilaa 18th century gii soo jiray, maantana maraya heerkiisii ugu sareeyay.