Wakiilka Qatar oo Muqdisho soo gaaray

Reading Time: < 1 minute

Wafti ka socday Qatar ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana Garoonka Aadan Cade ee kusoo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Balal Maxamed Cismaan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan DFS.

Wafdigan oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ayaa soo maray Magaalada Hargeysa.

Wafdigan ayaa u sida Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday farriin ka timid Amirka Qatar taasoo loo badinayo in aay tahay in uu kursiga si nabad ah uga dego.