Wakiilka guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland oo kulan la qaatay Wasiirka A. Dibadda Yasin Maxamud

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland aya waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mida dublamaasiyiinta Itoobiya u fadhiya Somaliland. Kulankaan aya waxa looga hadlay sidii loo dardar galin lahaa xirirka iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliland iyo Itoobiya.

Kulankaan ayaa ku soo aaday iyada oo dowladda Soomaaliya sheegatay in Somaliland  laga soo xiray alabaabada isla markaana ayan jirin wax xiriir diblomaasi ah oo ka dhaxeeyn kara Somaaliland iyo Itoobiya.

Asbuucii hore aya ahayd markii wafdi ka socda ismaamulka qoowmiyadda Oromada ay booqasho rasmi ah  ku tageen Somaliland. Wakiilka cusub ee Itoobiya u fadhin doona Somaliland aya dhawan la filayaa in uu si buuxda ula wareego xarunta safaraadda ee Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa