Wajigii labaad ee shirka Hobyo oo furmay

Reading Time: 2 minutes
Maanta Waaa ka  furmay magalaada Hobyo wajigii labaad shirkii Beelaha Habargidir kaas oo looga tashanayo aayaha Maamulka Galmudug iyo dib u heshiinta beelaha Habargedir iyo beelaha la dega. labadii maalin ee u danbeeysay waxaa Magaalada Hobyo gaaray Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeedo Beelaha Habargidir iyo ergooyin ka socda shan beel oo ay Habargedir ka kooban tahay.

Shirka ayaa sio hoose looga hadli doonaa Nabadda iyo sidii loo diyaarin lahaa Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha dago Deegaanada Galmudug.Waxyaabaha kale ee shirka looga hadli doono ayaa waxaa kamid ah sidii Deegaanada Galmudug ay uga dhici laheyd doorasho xalaal ah oo ka maran faragelinta Dowladda Soomaaliya si dad Galmudug ay u doortaan hoggaamiyaha ay u arkaan inuu yahay midka ka bixin karo xaaladda uu hadda ku jiro Maamulkaas.

Xasan Kheyre ayaa muddo 45 Casho ah ku sugnaa degmada Dhuuusamareeb, wuxuuna sheegay inay dowladda dhisi doonto Galmudug loo dhan yahay inkastoo ay Beelaha qaar qabaan tabasho iyo inay jirto eexasho ay waddo Dowladda. Kheyre ayaa u arkaayay shirka Hobyo mid ka soo horjeeda shirka uu isaga iclaansaday in uu ku qabtay magalaada Dhuusamareeb.