Wajigii labaad ee doorashada Aqalka Sare oo maanta dib uga bilaabanaysa Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo uu xalay si nabad ah ku dhacay wajiga kowaad ee doorashada Aqalka Sare ayaa Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle maanta dooranaya 3-kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare wakiilka uga noqonaya 4-ta sano soo socota, doorashadii shalay waxa uu Baarlamaanku doortay 3-Senator.

Dhanka kale, xubno katirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad Goboleed  Hirshabelle ayaa sheegay in maanta xilli hore ay bilaabaneyso Doorashada si aanay waqti badan u qaaday sida doorashadii shalay ka dhacday Jowhar oo gaartay ilaa xalay fiidkii. Kuraasta maanta Doorashadoodu la sugayo waxaa kamid ah Kursiga 2-aad oo ay ku tartamayaan 5-musharax, kan 3-aad oo ay isku hayaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan & Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ku fadhiyay 4-tii sanno lasoo dhaafay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!