Wafuud kala duwan oo maanta la filaayo in ay tagaan Kismaanyo

Waxaa maanta la filayaa in ay tagaan magaalada Kismaanyo wafuud balaaran oo ka kala socdata deeganada Puntland, Muqdisho, xisbiyada iyo qurbo joogta. Wafuudaan oo iyaga go’aansaday in ay ka qaybgalaan ama goobjoog ka ahaadaan Doorashada Jubbaland ayaa iyagu isa soo abaabuleen. Dowlada Jubbaland  ayaan waxa aan shaqo ah ku lahaynin abaabulkoodii oo imaatinkooda.

Shacabka Soomaaliyeed oo ku daalay is qabqabsi, foowdo iyo burburin ayaa waxaa ay si wada jira u taageereen midnimada Dowlad Goboleedka Jubbaland, gaar ahaan  sida wanaagsan oo ay ugu guulaystay in ay uga hortagaan abaabulka dagaal ee laga soo abaabulay Villa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here