Wafuud kala duwan oo ka socoto Nairobi, Mogadishu, Gaalkacyo oo berito ku wajahan Cadaado

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay  oo caawa naga soo gaaraayo magaalooyinka  Cadaado iyo Muqadishu ayaa sheegayo in wafuud balaaran oo isugu jira ganacsato, Xildhibaano, Senators  iyo waxgarad ay berito ku beegan yihiin magaalada Cadaado.

Wafuudaan ayaa halkaas u tagayso soo dhaweynta iyo sidii loo xaqiijin lahaa in Madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf uu ka heli  magaalada Cadaado wixii uu ka waayay Dhuusamareeb.

Wafuudaas ayaa ah kuwa ka soo horjeeda siyaasadda qar iska tuurka ee Farmaajo iyo Kheyre. Talabada ay qaaday dowlada  Fedaraalka  ayaa  dhalisay in Madaxweyne Xaaf uu helo taageero uusan heli lahayn.