Wafiga ka socday DFS oo maanta marka kale loo diiday in ay tagaan Garowe

Reading Time: < 1 minute

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalda Muqadishu ayaa sheegaya in xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada Puntland isla markaasna booqasho maanta ku tagi lahaa  magaalada Garowe ee caasimada Puntland in loo diiday in ay  yimaadaan Garowe

Waxaa la sheegayaa in xubno ka mid ah wafdiga inay garoonka Aadan Cade  ku sugnaayeen, saacadihii u dambeeyay ay sugayeen ogolaansho si ay ugu kicitimaan, balse ay suura geli weyday.

Waxaa socday dadaalo ay wadeen Isimada Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan faroole oo la doonayay in loo ogolaado wafdiga dowladda Federaalka inay tagaan Garowe, hase ahaatee uu diiday Madaxweynaha  C/weli Gaas iyo Xukuumadiisa.

Waftigani qorshaynayey in ay yimaadeen magaalada Garowe ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Senetor Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo kamid ah shakhsiyaad hor boodayey in ay yimaadaan waftigani deegaanada Puntland ayaa kula taliyey wasiirka iyo waftigiisaba in ay yimaadaan Garowe isla markaasna aysan dhag u jalaqsiinin go’aanka xukuumadda Gaas ee ka dhanka ah dowladda federaalka Somalia.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!