Madaxweynahii hore ee Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed cali gaas ayaa maalmo ka hor diiday in wafdi ka socda dowlada dhexe in aysan imaan karin deegaanada Maamulka Puntland taasi oo qasabtay in Garoonka aadan cadde shalay lagu celiyay xubno uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada Axmed Ciise Cawad.
Sida aan wararka ku heleeyno Wasiiro iyo xildhibaano uu hogaaminaayo wasiirka arimaha dibada Axmed Ciise Cawad ayaa hada kusii jeedo Magaalada Garoowe iyagoo ka duulay garoonka aadan cadde.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayeey wararku sheegayaan in uu ogolaaday in xubnahaasi Garoowe soo gaaraan