Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.
Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed(Eelay) iyo mas’uuliyiin kale.
Wararka aan haatan ka heleyno Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya iyo Xubnaha la socda ay kulan la leeyihiin Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Waxaana aya kawada hadlayaan sidii doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ugu dhici laheyd sida uga wanaagsan,isla markaana musharixiinta ay ilaaliyaan Amniga iyo xasiloonida Koonfur Galbeed.