Taliyaha Ciidanka Hay’ada Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Xasan Xuseen ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda ee maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa lagu waddaa in uu la kulmo Mukhtaar Roobow Cali loo diiday in uu tartamo doorashada Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa ka mid ah xubno muhiim ah oo ku jira dowladda Soomaaliya oo kasoo jeeddaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Sheekh Mukhtaar ayaa diiday hadalka dowladda ee ah in uusan tartami karin, Waxaana uu dadka Shacabka uu ugu baaqay in ay sii waddaan taageeradiisa.