Wafdi uu hogaaminayo Farmaajo oo Dhuusamareeb gaaray iyo amniga Magaalaada oo la,adkeeyay

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi la socdo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Wasiirka amniga,Madaxa Xukuumadda Galmudug,Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.

Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha ayaa waxaa galbiyay gudaha Magaalada,halkaas oo boqolaal shacab ah ay soo dhaweyn ugu sameeyeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu soo xiro doonaa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana looga tashanayay sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Ammaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamo farabadan oo qeyb ay ka yihiin Ciidanka Ilaalada gaarka Madaxweynaha ee Koofiyo Casta,Ciidanka Harmacad iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.