Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweyne Waare oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shir ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo in uu ka furmo Magaaladaasi.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu sharaxay Calamadda maamuladda Koonfur Galbeed ,Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Madaxweyne Waare aya deganada maamulkiisa waxa ka taagan xaalado nololed oo liidata iyado ay jiraan dhibatoyin ay geysteen fatahada wabiga Shabeele.