Wafdi millateri oo ka socdo Qatar & IIRAAN oo gaaray Dhuusamareeb (Akhriso sababta)

Reading Time: 2 minutes

Wafdi ka socda wasaaradda gaashaandhigga IIRAAN oo uu hoggaaminayo la taliyaha taliyaha gaarka ah ee General Amir Hatami, oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan ciidanka Qatar iyo Safiirka Qatar u fadhiya Muqdisho aya gaaray magaalada Dhuusamareeb.

 

Dowladda IIRAAN aya xiriir wanaagsan la leh kooxda Ahla Sunna taageero dhaqaale iyo mid ciidanna ka hesha dowladda IIRAAN. Ujeedka socdaalka aya ah sidii ay kooxda u heli lahayd taageero siyaasadeed iyo mid ciidan, waxaana xog ay heshay MOL in Macallin Maxamuud oo isaga tagay Galmudug horraantii bishan kuna sugnaa dalka Sucuudiga in uu ka sheegtay wadashaqeyn xumo Sheekh Shaakir isla markaana uu diidanaa in ciidanka Ahlu Sunna lagu wareejiyo ciidanka Dowladda.

Sida aan xogta ku helnay waxaa lagu wadaa in Macallin Maxamuud uu dib ugu soo laabto magaalada Dhuusamareeb si wafdigan ay u kala dhexgalaan isaga iyo Sheekh Shaakir ooo u janjeera dhanka dowladda si uu u helo awood siyaasadeed oo uu kaga xoroobo kooxda Ahlu Sunna, waxaa wafdigan ay kala hadli doonaan Sheekh Shaakir sidii uu uga laaban laha ballanta uu la galay Kheyre iyo in ciidanka Ahlu Sunna lagu wareejiyo ciidnaka dowladda iyo in ay wada hadal iyo heshiis la isla ogyahay ay dhex marto Sheekh Shaakir iyo Macallin Maxamuud

Waxaa dowladda IIRAAN & QATAR ay ballan qaadayaan in ay iyaga bixin doonaan mushaarka ciidanka Ahlu Sunna isla markaana dib looga laabto wareejinta ciidanka.

MW Farmaajo iyo RW Kheyre aya ku kala qeybsan arrinta Galmudug, waxaana Farmaajo uu cabsi ka qabaa in dowladda Mareykanka ay ogaato in koox Soomaali ah oo xiriir la leh dowladdiisa ay maamulaan maamulka Tehraan.

Halka ujeedka Kheyre uu yahay sidii lacag loogu kala furfuri lahaa Galmudug oo ay joogaan ciidan awood si aanay caqabad ugu noqon soo saarida shidaalka shirkadda RW Kheyre ee SOMA-OIL oo lagu wado in ay bilaabaan shaqada soo saaridda shidaalka dhammaadka sanadka 2020. RW Kheyre aya raba in uu ka faa’iideysto inta uu awoodda haysto sidii loo kala furfuri lahaa ciidanka Galmudug.