Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ay saacadaha soo aaddan ku wajahan yihiin Wafdi ka socda Maamul Goboleedka Puntland, kuwaas oo sida la sheegay Horudhac u ah socdaal la filayo in Madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni uu ku tagi doono Dhuusamareeb.
Sidoo kale wararku waxaa ay sheegayaan in wafdiga ay ka mid yihiin Guddiga farsamada ee ka baaraan-degida Arrimaha doorashooyinka, waxaana sida la sheegay ka mid ah xubnaha guddihgaas ku matala Maamulka Puntland.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sida la sheegay waxaa la saaray cadaadis ku aaddan in uu k aqayb galo shirka Dhuusamareeb, waxaana cadaadiska ugu xooggani uu uga yimid Qaramada Midoobey gaar ahaan Ergayga gaar ka ah ee qaarmada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo sidoo kale safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in Deni uu aqbalay ka qayb galka shirka, balse ma cadda goorta uu tagi doono dhuusamareeb oo ah halka ay gogoshu taallo, waxaana wararku intaas ku darayaan in billawga todobaadka soo aaddan laga yaabo in halakas uu gaaro Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ka maqan shirka Dhuusamareeb3 oo ilaa hadda aan si habsami leh u billaaban marka laga tago kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin madaxda Shirkaas ku sugan, waxaana madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu ugu baaqay in Madaxda dhimman ay soo xaadiraan shirka Dhuusamreeb3.