Wafdi ka socda Soomaliya oo ka qeeyb ah Gudiga Korjootada ee Doorashooyinka Nigeria

Reading Time: < 1 minute

Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka   ayaa  korjoogta ka ah doorashooyinka ka socda Dalka Nigeria.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan  ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ka qeyb-qaadaneysa daabulidda agabka doorashada, tababaridda hawl-wadeennada KMG ah ee goobaha cod-bixinta iyo sidoo kale wada-shaqeynta Guddiga iyo daneeyayaasha doorashadan.

Ka sukow inay guddoomiyaha iyo wafdigeedu ay qeyb ka yihiin hawl galka Midowga Afrika ee korjoogteynaya doorashada dalka ugu dadka badan Afrika, waxaa sidoo kale arrintan guddoomiyaha iyo wafdigeeda ay u tahay fursad ay ku soo kororsadaan waaya aragnimo u fududeysa inay ka soo baxaan waajibka loo igmaday oo ah inay Soomaaliya ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah 2020-ka.