Wafdi ka socda Somaliland oo ku sugan dalka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dhowrkii maalin ee ugu danbeeysay ku sugnaa dalka Kenya Wafdi ka socda Somaliland, gaar ahaan xisbiyda ka jira Somaliland. Guddoomiye Xirsi Xaaji Cali Xasan  oo gudimiya xisbiga Wadani  kana mida wafdigaas ayaa  sheegay inay maalintii labaad ku gudo-jiraan kulamadda Safaaraddaha iyo dalalka Somaliland ka taageera qabsoomidda doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, waxaannu sheegay inay kulamo la qaateen Safaaradda Canada oo uu sheegay inay ku cusub tahay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo Safaaradda Denmark oo ka mida dalalka Somaliland ka caawiya doorashooyinka.

Gudddoomiye Xirsi oo qoraal koobban ku baahiyay barta uu ku leeyahay FACEBOOK-ga, ayaa waxa uu kaga hadlay kulamadii ay maanta yeesheen iyo waxyaabihii uga soo baxay.

“Maalintii labaad ayay weli noo socdaan kulamadii, waxaannuna kulamo kala duwan la qaadannay safaaradaha Denmark, Xafiiska EU-da ee Nairobi iyo Safaaradda Canada oo iyadu ku cusbayd arrimaha doorashooyinka Somaliland”.

Dhammaan kulamadaasi waxay noogu dhammaadeen is afgarad iyo guul, berritana waxaan leennahay kulamo kale oo muhiim ah, waxaanan rejaynayaa inay noogu soo idlaadaan guul iyo wanaag. Danta Somaliland ayaa inoo ballan ah.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!