Reading Time: < 1 minute

Waxaa magaalada Muqdisho si qarsoodi ah ku yimid saraakiil ka socoto wasaaradda sirdoonka Iran shalay oo ay taariikhda ahayd Janaayo 11, 2020. Wafdigan aya waxaa hoggaaminayo Alireza Tangsiri oo ah ku xigeenka sirdoonka ciidanka Badda ee dalka Iran sida MOL ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Amniga.

Wafdiga aya waxa la dejiyay xarunta Nabad Sugidda ee loo yaqaan Mama Khadija, waxaana habeenkii xalay ahaa shir la yeeshay Wasiirka Amniga, Taliyaha NISA iyo RW Kheyre iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, sida MOL loo xaqiijiyay.

Waxaa sidoo kale oo MOL loo sheegay in wafdiga ay saakay lixdii subaxnimo ay kula kulmeen xarunta Madaxtooyada Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Lama oga ujeedka safarka ay saraakiisha sirdoonka ah ku yimaadeen dalka kaddib dilkii Generaalkii Iran oo ay dileen dowladda Mareykanka. Waxaa sidoo kale booqasho aan hore loo sii shaacin ku tagay magaalada Tehran maanta Amirka dalka Qatar iyo wafdi uu hoggaaminayo.