Wafdi ka socda Kenya oo ku sugan Hargeysa & Safaaradii Kenya oo la furayo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Haygeysa ee xarunta Dowlada Somaliland wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Kenya. Wafdigaan oo ka socda Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Kenya ayaa u joogo Hargeysa sidii ay u furi lahaayeen xaruun u dhiganta safaarad taas  oo wakiil ka ahaan doonto danaha Kenya ka leedahay dalka la magac baxay Somaliland.

Safarka wafdigaan ayaa daba socda safarkii uu Muse Biixi ku tagay dalka Kenya  bishii december ee sanadkii hore kaas oo ay labada dal ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo ay ku jiraan in xiriir dublamaasiyadeed oo toos ah ay yeeshaan labada dal.

Waxa dhawaan duulimaad toos ka bilaabi doonta Kenya-Somaliland diyaaradda Kenya Airways, waxaa iyadana loo ogolaaday  Somaliland in ay ganacsi buuxa la yeeshaan ganacsatada  Kenya iyada oo laga dhimayo canshuurta laga qaado dalalka kale.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!