Wafdi ka socda dowladda IIRAAN oo booqasho ku tagay Dhuusamareeb (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Wafdi isugu jira masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga IIRAAN iyo qubaro saynisyahano ah ay booqasho qaadatay seddex maalmood ku tagay magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga aya waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Dhusamareeb Sheekh Shaakir madaxa xukuumadda Galmudug iyo masuuliyiin ka tirsan ururka Ahlu Sunna. Wafdiga aya shir albaabada u xiran yahay la yeeshay RW Kheyre kaasoo aanan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen Ra’isul Wasaaraha iyo Masuuliyiinta IIRAAN.

Waxaa sidoo kale ay shir albaabada u xiran yahay la yeesheen Macallin Maxamuud, waxaana masuuliyiin ka tirsan kooxda Ahlu Sunna ay MOL u sheegeen in ujeedka shirarka labada dhinac uu la xiriiro sidii leysugu soo dhaweyn lahaa labada garab RW Kheyre iyo kooxda Ahlu Sunna.

Wafdiga IIRAAN aya ku guuleystay in labada dhinac ay waxa xooga isku soo dhawaadaan. Imaatinka masuuliyiinta reer IIRAAN aya imaneyso seddex usbuuc kaddib markii ay magaalada Dhuusamareeb yimaadeen wafdi ka socday wasaaradda gaashaandhigga Qatar iyo IIRAAN kuwaaso magaalada Dhuusamareeb kula kulmay RW Kheyre iyo masuuliyiinta Ahlu Sunna.