Wafdi Ka Socda Dowladda Eritrea oo Soogaray Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wafdi ka socda dalka Eriteriya ayaa goordhow soogaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, iyadoo halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa waxaa ka mid ah La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo kula yeelan doonaan Madaxda dowladda.

Wafdigan heerka sare ee ka socda dowladda Eritrea ayaa la sheegay inay socdaalkooda horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo dhowaan booqasho ku imaan doona magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa bishii hore booqasho rasmi ah ku tagay dalka Eritrea, isagoo noqday Madaxweyinihii u horeeyay oo Soomaaliya booqda dalka Eritrea.

Booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tagay Asmara iyo hadalkii uu ka jeediyay ayaa waxaa ka carootay dowladda Jabuuti oo si kulul uga jawaabtay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea, waxaana xilligan mugdi galay xiriirkii Soomaaliya iyo Eritrea.