Wafdi ka socda DFS oo heshiisyo shidaal oo qarsoodi ah ku saxiixayo London

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegeyso xog lagu kalsoon yahay oo ay  heshay  MOL  Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo dhawaan waayay kursigiisii Xildhibaanimo, Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Batroolka, iyo  in lagu sheegay in uu agaasime ka yahay wasaaradda, saaxiib dhawan la yahay wasiirka oo lagu magacaabo Shiikhay ayaa ku jooga  magalaalada London safar qarsoodi.

Wafdigaan ayaa la sheegayaa inay u joogaa London si ay u saxiixaan heshiis shidaal, kaas oo lala galayo shirkadda Coastline Petroleum iyo Liberty Petroleum. Heshiiskaan ay doonayaan inay saxiixaan ayaa la doonayaa in taariikhdiisa dib loo celiyo iyada oo laga dhigayo mid sanado ka hor la saxiixay.

Waxaa nasiib xumi ah in heshiiska shidaalka lagu saxiixayo qol mugdi ah yada oo laga qarinayo shacabka Soomaaliyeed. Waxa lama huraan ah  shacabka iyo waxgaradka  Soomaaliyeed  si wadajira uga hortagaan xaraashka hantida qaran oo ay horseed ka u yihiin Kooxo dabada kula jira hogaanka hada jira dalka iyo kuwii horay u soo maray.

Wafdiga waxaa hogaaminaya nin lagu sheego in uu ka mid yahay milkiilayaasha Ra’iisal Wasaare Rooble, waa Wasiirka Wasaarada Batroolka Cabdirashiid Shiikhaaloow. Shiikhaaloow ayaa la rumeysabn yahay in uu isagu ka danbeeyay keenista iyo magacaabista Rooble.

Dhanka kale Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa ka riixaya saxiixa heshiiskaan madaama  uu isagu saami ku leeyahay labada shirkadood ee loo saxiixayo heshiiskaan.