Iyada oo ay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ka sii dareyso ayaa waxaa saakay ku soo begaan magaalada Muqadishu wafdi ka socda beesha caalamka kaas oo la kulmi doono hogaanka xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Faramaajo.
Wafdiga ayaa sidoo kale la filayaa in ay la kulmaan MW Farmaajo iyo RW Kheyre iyaga oo isku dayaya in ay ku qanciyaan laba dhinac in ay khilaafka jiraa lagu xaliyo si waafaqsan sharciga isla markaaana keeni karto xasilooni siyaasaded.
Wafida, gaar ahaan wafiga ka socda dowlada Maraykanka ayaa kula talin doono MW Farmaajo in uu dhiso dowlad loo dhan yahay taas oo ka bilaabanaysa in Ra’iisal Wsaaare cusub iyo dowlad cusub la soo dhiso. Taladaaan ayaa ugu muuqato sida kaliya ee lagu heli karaa degaan siyaasadeed isla markaana dib loogu soo celin karo xiririkii u dhaxeeyay dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedyadda.
Wafdiga ayaa inta ayan imaanin magalaada Muqadishu kula taliyay MW Farmaajo in uu yareeyo ama iska ilaaliyo talaabo kastaa ee keeni karto in khilaafka sii kordho sida qabashada mudaharaad aan wax ka badli karin xaalda jirga. Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay labo ilaa sodas cesho joogi doonaan xarunta Xalane.