Wafdi Imaaraati ah oo labo maalin ku sugnaa Kismaanyo? Maxay ahayd ujeedada safarkooda?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magalaada Kismaanyo ku sugnaa mudo labo cesho ah wafdi ka socday dalka imaraadka kaas oo isugu jiray  sirkoonka  Imaaraadka iyo saraakiil ka tirsan  ciidanka dalka Imaaraadka Carabta.

Wafigaan oo ku tagay magalaada Kimaanyo diyaara qaas ah, ayaa si qarsoodi ku tagay Kismaanyo iyafda oo laga qariyay dhamaan warbaahinta iyo mas’uuliyiinta Jubbland. Wafdiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland Axmad Madoobe.

Safarka wafdiga Imaaraadka ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib safarkii uu Axmad Madoobe ku tagay magaaladda Gawowe halkaas  oo uu kulamo gaar gaar ah kula soo yeeshay madaxdweyne Saciid Deni. Saciid Deni oo ah qof aad ugu dhaw Axmad Madoobe ayaa u sharxan jagada madaxdweynaha Soomaaliya.

Sida uu ilo xog o’ogaal ah u sheegeen MOL, safarka wafdiga Imaaraadka ayaa ahaa mid la xiriiray doorashada dalka Soomaaliya iyo doorka ay Imaaraadka ku lahaan doonaan doorashada. Wixii warar ah ee la xiriira safarka wafdigaan gadaal ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!