Wafdi Imaaraati ah oo asbuucii hore la kulmay Farmaajo iyo Kheyre? Maxaa laga hadlay?

Reading Time: < 1 minute

Labo cesho ka hor safarkii uu Ra’isal Waraare Abiy Axmed uu ku tagay magaalada Muqadishu ayaa waxaa safar qarsoodi ah ku tagay magaalada Muqadishu wafdi isgu jira siyaasiyiin, sirdoon iyo ciidanka Imaaraadka kuwaas oo shirar laga qariyay saxaafadda Soomaalida iyo xukumadaba la yeeshay MW Farmaajo iyo RW Kheyre. Waxa ay si gooni gooni ula kulmeen labada mas;’uul. Safarkaan qarsoodida ah ayaa waxaa uu u muuqadaa mid go’gol xaal u ah Safarkii RW Itoobiya Abiy Axmed.

Kulankaan qarsoodida aha ayaa waxa uu sii kordhinayaaa shakigii laga qabay in Itoobiya loo gacan galiyay dakadaha Soomaaliya. Imaaradka ayaa waxa ay baal ka soo qaateen buugii siyaasadii dowlada Maraykanka ay kula dagaashay ururkii Maxakaamiinta Islaamka. Sida aan wada xasuusano dowladda Maraykan ayaa lacag iyo hub ku siisay dowladda Itoobiya in ay la dagaasho ururkii Maxaakiimta Islaamka. Hadana Imaaraadka ayaa dhaqaale iyo hub ku siinaya dowlada Itoobiya in ay xakamayso ama maaraysayso danaha imaaraadku ka leeyahay Soomaaliya.