Wafdi hor dhaca ahaa ee MW Farmaajo oo gaaray dalka IIRAAN (Sawiro)

Dowladda uu hoggaamiyo MW Farmaajo ayaa dib u soo celisay xiriirka Soomaaliya iyo dalka Iiraan oo aay dowladdii hore xiriirka diblomaasi u jartay Bishii Janaayo 8 ee sanadkii 2016.

Wafdi ka socda Madaxtooyada Soomaaliya oo si hordhac ah loogu diray dalka Iiraan, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan. Wafdigaan oo ka kooban seddex diblomaasi oo la taliyayaal u ah MW Farmaajo (Amb. Owliyo, Balal Cusmaan iyo Cabdisatar) ayaa lagu wadaa in booqasho shaqo aay ku joogi doonaan magaalada Tehraan muddo afar maalmood ah.

MW Farmaajo ayaa kula kulmay safiirka dalka Iiraan u fadhiya Itoobiya & Kenya Hadi Faravand magaalada Addis Ababa intii uu socday shirweynihii Madaxweynayaasha Midowga Yurub bilowgii toddobaadka aan ku jirno.

MW Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Iiraan, waxaana si aad ah uga shaqeeyay in labada dal aay isku soo dhowaadaan dowladda Qatar oo saaxib dhow la ah Villa Somalia.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here