Wafdi balaaran oo ka socda Puntland iyo Muqdisho oo maanta ku wajahan Kismaanyo

Waxaa la filayaa in ay maanta gaaraan magalaada Kismaanyo wafuud balaaran oo ka kala socota Puntland iyo Gobolka Banaadir. Wafuudaan oo isgu jirta xildhibaano, wasiiro odaydhaqameed iyo waxgard kale ayaa ka qaybgalaya  doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la qaban doono maalinta Khamiista.

Wafuudaan ayaa marqaati ka noqon doona qaabka ay u dhacdo doorashada iyo iyaga oo ku dhiirigalinaya shacabka reer Jubbaland qabashada doorasho xalaal ah oo kana tarjumaysa danaha dadka reer Jubbaland.

Waxaa magalaada Kismaanyo horay u joogay xildhibaano ka socda laba aqal kuwaas oo ka qayb galaya doorashada iyo dhaarinta Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here