Wadooyinka Soo Gala Xarunta Golaha Shacabka oo Aad lo Adkeeyay

Reading Time: < 1 minute

Iyado manta ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho aya Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka xarunta Golaha Shacabka, maadaama maanta oo Isniin ah ay dhaceyso Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xiray wadoyinka ku dhaw dhaw xarunta Golaha Shacabka, ciidanka ayana halkaasi u diidayaa in ay maraan Mootooyinka Bajaajta iyo Gaadiidka dadweynaha.

Gaadiidka ay wataan masuuliyiinta Dowladda ee maraya agagaarka xarunta Golaha Shacabka ayaa laftirkooda la hubinayaa si looga hortago falal ka baxsan amniga inta ay socoto Doorashada.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka ayaa inoo sheegay in xalay saq dhexe ay Ciidamo dheeraad ah geeyeen aagga xarunta Golaha Shacabka, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!