Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, kadib markii ciidamada Nabad Suggida ay xireen wadooyinkaasi sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Dhamaan Isgoysyada gaadiidka ay maraan ee Magaalada gudaheeda ayaa ciidamada ay xireen, sidoo kalena lama ogolo gaadiid u gudbaya dhanka wadada Maka Al-Mukarama, marka laga reebo kuwa ay wataan madaxda dowladda.
Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howlgallada ay ka waddaan Magaalada Muqdisho.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ciidamada dowladda ay kala xireen, balse arrintaan ayaa loo sababeynayaa arrimo ku aadan dhanka ammaanka.
Inta badan Madaxda Sare ee dalka ayaa maanta lagu waddaa in ay kusoo laabtaan Magaalada Muqdisho, waxaana dadka qaarkood ay sheegayaan in ay ka qeyb ka tahay xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho.