Wadooyinka Muhiimka Ah Ee Magaalada Muqdisho Oo Saakay Xiran

Reading Time: < 1 minute

Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saakay u xiran xuska sanad guuradii ka soo wareegatay qaraxii Zoobe oo dhacay 14-kii October 2017 maalin Sabti ah.

Ciidamada ayaa dadka lugeynaya baaris dheeraad ah ku sameynaya, halka gaadiidka iyo mootooyinka Bajaajta loo diidayo inay isaga kala gudbaan isgoysyada magaalada Muqdisho.

Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 500 qof halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhaw 700 qof oo dhammaantood ahaa shacab aan waxba galabsan.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomalaiya ayaa waxa ay tagayaan isgoyska Zoobe si ay uga qeyb galaan salaad janaaso wadareed ah loo tukanayo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay isgoyska Zoobe.

Isgoyska Zoobe ayaa laga taagay taalo lagu qoray 14-ka October oo lagu xusuusanayo dadkii masaaskiinta ahaa ee lagu laayay qaraxaasi.