Wadooyinkii ugu Dambeeyay ee Muqdisho oo laxiray iyada oo Qaraxyo laga cabsi qabo

Reading Time: < 1 minute

Shacabka kunool Gobolka Banaadir iyo gaadiileyda ayaa saakay kusoo waabariistay iyadoo dhagxaan iyo Carro badan lagu xiray Isgoysyada iyo Jid cadayaasha qaar ee ku dhex yaalla Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Isgoysyada ka soo bilaawda Fagax ilaa Warshadda Caanaha iyo Jid cadayaasha wadadaasi ku soo dhaca ayaa lagu jaray dhagxaan iyo carra tuurro sida ay markii hore u xirnaayeen xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiiyay in la xiray Waddooyinkaas, iyadoona ilaa iyo hada aan la ogeyn tababata loo sameeyay arrintaas.

Hayeeshee  warar aan helnay ayaa sheegaya in loo xiray Waddooyinka sababo la xiriira dhanka Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!