Maxaa ka dhexeeya 1969 iyo 2017 “Wadnahaa Far Ku Hayaa” Sabab? Ka Bogo.

Reading Time: 2 minutes

Habeenkii la doortay MW Farmajo waxaa la isugu soo baxay fagaarayaasha magaalooyinka waxaana la muujiyey farxad weyn oo ku aadan isbadalka dhacay. Sida runtu tahay waxaan is weydiinayey maxaa keenay in sidaan loogu soo baxo Farmajo oo aan aqoon u fiican u lahaa, shakhsiga qalfoofka maran ee uu yahay,  waxaana isweydiinayey xageed laga arkay oo adiga kaa qarsoon.

Su’aasha kale  ee madaxda iga wareerineysay waxay ahayd waddada uu dalku ku socdo maxaa lagu saluugay oo u baahnaa in ilaa heerkaan loo naco xukuumaddaan. Waayo farxadda iyo mashaxaradda marnaba u ma qaadan inay ahayd gacan ku rimis iyo mid ujeedeysan oo loogu talagalay in dalka dib loogu celiyo meel uu ka yimid ee waxay ila hayd mid dhab ah oo wanaag aan aniga ii muuqan la arkayey.

Haddaba maanta waxaa la joogaa meeshii uu Rabbi caafimaad degdeg ah ha siiyee uu ka tiriyey Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) heesta Wadnahaa Far ku hayaa, laakiin dadku ay u yaqaannaan Haddii Ceel Walwaaleed,kuna jirtay ruwaayad aan la dhigin ee Tawaawac.

Taas oo qofkii wax garanaya u muujineysa xiriirka iyo is lahaanshaha ka dhaxeeyey markii uu Maxamed Siyaad nagu qabsaday xoogga iyo af macaani la isku daray iyo Farmaajo oo nagu qabsaday been iyo ballanqaadyo Alle ka dheeri ah. Sida xaalkeenu ahaa markii Farmajo  loo dhiibay hogaanka dalka iyo sida uu noogu abaalguday iyo Meesha uu naga soo celiyey iyo Meesha uu na dhigay waxad si fiican uga dheehan kartaa sugaantaan mugga weyn leh oo uu abwaanku ku cabiray

Haddaba heesta waxay leedahay:

Wahe dhalashadaadaan,        Farxad waalan gaadhoo,

Weedhkiyo dabaylaha,           Ama weriyahaygii,

Goortaan waraystaa,              Werwer ii dhammaadoo,

Wahab layga qaadoo,             Lugtu weerar mooyee,

Wahsigii illowdoo,                  Wadar iga lib-haysaan,

Is-lahaa ku wiirsoo,                 Wiil curad sidiisaan,

Wanan kuu bireeyoo,              Waayeel duceeyaan,

Wacayoo u yeedhee,              Walqashaadi maadaa,

Cunay waaxyaheedii?
Weger iyo ka waaweyn,        Tani waa ka waasacan,
Hadday ceel walwaaleed,      Ku go’aan wadaamuhu,
Waan-waani dhacantee,        Wadnahaan far ku hayaa

Inkastaanu Weydeyn              Waranlaha ilaashaa

Waadaasha Xooluhu               Iyadaa Waraabaha

Wehelkeedi Mooddoo            Woohowda Diiddee

Waddo Halaq Nin moog baa  Waabay ka leefee…

Eraydaan waa dhab ka hadal muujinaya sida ay wax ahaayeen markii uu kacaankii dalka halligay uu afgambiyey dowlad ay shacbiga coq iyo qof ku soo doorteen, taas oo aan dhameysneyn balsa joogta meel wanaagsan wax badan laga sixi karay. Sidoo kale dowladdii ay tan Farmajo badashay waxay joogtay meel aad u wanaagsan oo wax badan ayaa la qabtay wax bandanna waa u dhinaayeen waana loo jeeday waxa dhiman iyo halka loo soo socdo.

Haddaba maanta wuxuu xaalku joogaa meerisyada hooriska ah oo haddii maalintii la tirirey la iska kaashan lahaa in Maxamed Siyaad iyo askartiisa la iska qabto aan maanta halkaan la joogeen. Sidoo kale haddaan Farmajo maata la iska qaban waxaa la tagi doonaa meel intaan ka xun. Ma kala jecla mid dhinta, mid dhaawaca, mid mana Iyo mid jooga intaba.

Weger iyo ka waaweyn,        Tani waa ka waasacan,
Hadday ceel walwaaleed,      Ku go’aan wadaamuhu,
Waan-waani dhacantee,        Wadnahaan far ku hayaa