Waddooyinkii oo biyo wali fadhiyaan & Roobab kale oo Muqdisho ku soo wajahan

Reading Time: < 1 minute

Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli fadhiya xareedda ka dhalatay Roobkii Xoogganaa ee da’ay Jimcihii 28kii April 2023 ee sababay dhimashada, dhaawaca iyo burburka hanti.

Gaadiidka iyo Dadka lugeynaya (Cagahooda maalaya) ayaa ka wareeganaya waddooyinka qaar oo weli ay fadhiyaan biyaha roobka ka dhashay, waxaana ay dalbadeen in laga howlgalo si isu socodka waddooyinkaas dib u billowdo.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa Dowladda Hoose waxa ay u jeediyeen in ay ka shaqeyso sidii loo qaadi lahaa biyaha xareedda ee fadhiya Waddooyinka muhiimka u ah isu socodkooda oo marka ay ka wareeganayaan saxmad gala.

Meelaha biyaha fadhiyaan waxaa kamid ah: Isgoyska Fagax, halka loo yaqaan Daallo oo ah inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax & Balaagsii, agagaarka Isgoyska Tarabuunka gaar ahaan Dugsi sare Banaadir iyo meelo kale.

Dhanka kale waxaa cabsi ay ka jirtaa goobaha loogu talagalay in ay ku hooraan biyaha roobka gaar ahaan meelaha loo yaqaan waraha ay isugu tagaan biyuhu oo buux dhaafiyay sida warta Boondheere & tan Siigaale. Dadka deegaanka ayaa sheegay in haddii roob kale uu da’do in biyahaas ay karkaarada ku jabsan karaan maadaama haatan ay buuxsameen.

Dadka ka shaqeeya howlaha cimilada ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay ku soo wajahantahay Roobaba Mahiigaan ah oo wato dabeeylo culus. Sida ka muuqato magaalada Muqdisho, mas’uuliyiintii u xilsaarnaa inay ka hortagaan fatahaada ka dhasha biyaha ayaa u muuqdo kuwa aan qorsho iyo talo ka lahaynin sii looga horagi lahaa dhibtaada soo socota.

Shacabka Muqdisho waa inay si iskaa-wax-u qabso ah ay u bilaabaan qorshihii looga hortagi lahaa dhibataada ku soo wajahan Magaalada asbuucyada soo socda.