Waddaniyadda Bugta ah ee Farmajo Ka fiirso Beyle Benaale.

Reading Time: 2 minutes

Waxaanu nahay waddaniyiin biyo kama dhibcaan ah oo midnimada iyo jiritaanka Somaliya jecel inay been ka ahayd waxaad ka aragtaa tallaabada uu Beyle ku dhaqaaqay.

Lacag fara badan oo ka dhacay wasaaradda maaliyadda ayuu hadda waxaa uu Hoteel weyn kaga furtay Hargeysa,waxaana uu cafis weydiistay Muuse Biixi sidii inay dembi ahayd inuu Dowladda Federaalka u shaqeyey.

Waxa dembiga ah waa dhaca uu u geystay hantida umadda Somaliyeed oo uu daaro kaga jeexday Hargeysa, inkasta oo aysan dowladda Federaalka ku farxeyso daar iyo mashruuc kasta oo jamhuuriyadda laga hirgeliyo hadana waxay ka soo horjeeddaa waa dhaca hantida umadda.

Xiriir aanu la sameynay wasaarada Maaliyadda Federaalka waxay noo sheegeen dad la soo shaqeeyey inuusan weligiis Beyle safar uu aadayo uusan u qaadan wax ka yar $50,000 wax xisaab ahna aanu weligiis oo celin.

Inkasta oo uu Muuse diiday oo uu yiri wixii uu soo dhacay waxba nagama siin oo isagaa meherad ku dhistay.

Tan kale wuxuu ka xumaaday kadib markii uu ogaaday inuu Hoteelka Saami fiican ku leeyahay MW Farmajo,  haddana Muuse waxaa ka saad calaceeyey M/W Ku xigeenkiisa  Seylici oo ay Beyle isku hayb yihiin una sheegay:

  1. In lacagta uu soo dhacay ee uu farraqayaa uu meel kale la aadi doono.
  2. Tan kale oo ah inay keeni karto inay reer Awdal u xanaqaan sida ay reer Sool maanta u xanaaqsan yihiin, keenina karta in meel kale uu gumaad ka dhaco.

Muuse markii labadaan arrin loo sheegay degdeg ayuu ku aqbaly in Beyle laga cafiyo dembi uusan galin oo ah inuu Dowladda Federaalka u shaqeeyey, laakiin aan lagu ciqaabin dhaca iyo boobka kuu sameeyey ku raalli ahaanshaha Farmajo iyo Kheyre.

Wasaaradda Maaliyadda ee Federaalka ayaa laga yaab inay baaris ku sameyso ku takrifalka hantida dadweynaha baahan si loo helo khaldaadkii maaliyadeed ee uu Beyle sameeyey intii uu Farmajo wakiilka uga ahaa Maaliyada dalka.

Dhibaatooyinka mahadhada ah oo ay Beyle  iyo Farmajo dalka uga tageen waxaa ka mid warbixin ay ahayd in la daabaco sannad ka hor balse lala sugay doorashada, si haddii Farmajo soo nooqdo aanba loo dabicin. Warbixintaas waxaa dalka loogu geystay dhaawac weyn waxaa lagu magacaabaa NRA (National Risk Assessment) oo uu Beyle daabacay laba bilood kadib markii Xasan sheekh la doortay.

Warbixinta waxay dalka ka bixineysaa muuqaal aad u xun oo keenay inay waddamada badan iyo hay’ado caalami ah  ka cabsadaan la shaqeynta Somaliya waayo waxay wax weyn u dhimeysaa qiimeynta deyn cafinta, waana sababta keentay in la dadjiyo sharciyo badan oo lagula dagaallamayo dhibaatooyinka maamul iyo maaliyadeed ee dalka.

Beyle iyo Farmajo waxay ka mideysan yihiin cadkanow ku cunay ama ku ciidee weligoodna dalka kama nixin. Farmajo ayaan ka maqli jirnay amaanaada waa ilaalinnay oo uu ula jeeday dad gaar ah oo kaliya ayaa xadi karay sida Beyle iwm  inta kalasa waa ka dhuun qabannay.