Taliye Calooleey oo caqabad ku ah Wadayaasha Bajaajta (Aqriso sababta)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Abaabulka Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan wadayaasha kexeeya Mooto Bajaata kuwaa oo aad uga cabanayay Maalmihii dambe Isbaarooyin uu Taliyaha Saldhiga Cabdi Casiis uu dhigtay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada dhigaya dibab baxa ayaa waxa ay yihiin kuwa ka shaqeeya xeeta Liido balse maalmahaan aanan wax shaqo ah ka qaban xeebta Madaama ay u dulqaadawaayeen baada looga qaado isbaarooyinka u yaala Taliye Caloolay.

Dibad baxa ayeey sheegeen in uusan ku ekaandoonon kaliya xeebta balse ay gaari doonaan goobo kale oo aad dhalinyaro kalle loogu dhibaateeyo balse ujeedkooda ugu weyn ayaa waxa uu yahay in ay kacabtaan isbaarooyinka Caloolay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!