Wadarta guud lacagta ciidamada AMISOM qaataan sanadkii waa $1.1 Bilyan halka miisaaniyadda DFS  tahay.. (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Wadarta guud lacagta ciidamada AMISOM qaataan sanadkii waa $1.1 Bilyan halka miisaaniyadda DFS  tahay in ka yar $300 milyan sanadkii

Ciidanka AMISOM oo tiro ahaan lagu sheego in ay gaarayaan ilaa 22 kun  laakiin aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee jooga Soomaaliya ayaa waxaa aay mushaar  iyo taakuleyn ahaan u qaatan lacag aad u tiro badan.  lacagtaas  oo ayaa waxa bixiya Ururka Midowga Yurub (EU), Dowladda Mareykanka, Shiinaha. Waxaa sidoo qeyb ka noqday bixinta qarashkaas dalka Imaaraadka Carabta.

Lacagta la siiyo sanadkii  wadamadda Ugandha, Kenya, Jabuuti, iyo Burundi ayaa ay u kala qaataan sidaan:

  1. Uganda $240 Milyan (Sanadkii)
  2. Burundi $120 Milyan (Sanadkii)
  3. Itoobiya $160 Milyan (Sanadkii)
  4. Kenya $150 Milyan (Sanadkii)
  5. Jabuuti $40 Miyan (Sanadkii)

Dalka Itoobiya ayaa waxa ka jooga Soomaaliya ciidamo dheeraad ah kuwaas oo ka  ka madaxbanaan AMISOM. Ciidankaas ayaa ay Itoobiya ku qaadataa lacago dheeraad ah oo ka baxsan qarashka ay ku qaadato magaca AMISOM. Lacagtaas ayaa inteeda badan waxa bixiya dalka Maraykanka.

Ciidamadan ayaa waxaa ay Soomaaliya u joogaan nabad ilaalin iyo in ay dalka ka xoreeyaan kooxda Al Shabaab. Ciidanka AMISOM ayaa Soomaaliya jooga. tan iyo  ilaa sanadkii 2007 iyadoo oo aan ilaa iyo hadda aaan ku guuleysan ciribtirka kooxda Al Shabaab.

Sanadkii 2012 markii la doortay MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ayna bilowday dhaqdhaqaaq aay kula dagaalamayaan kooxda Shabaab iyagoo ka saaray inta badan Gobolada Sh. Dhexe, Sh. Hoose iyo qayb ka mida Gobolka Baay.

Waxaana si aan hagar lahayn inta badan ka saaray kooxda Shabaab ciidanka XDS oo kaashanaya ciidamada Ugandha ee AMISOM.

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay MW Farmaajo bishii Febraayo 8, 2017 waxaa kooxda Al Shabaab aay dib u qabsadeen dhammaan goobihii hore looga qabsaday ee Gobolada Sh. Dhexe iyo Sh. Hoose. MW Farmaajo oo xilligii ololaha doorashada ballan qaaday in uu gebi ahaanba ka ciribtiri doono kooxda Al Shabaab dalka Soomaaliya ayaa wax dhacday taa cagsigeeda, waxaana Al Shabaab aay hadda ka taliyaan dhulkii ugu weynaa tan iyo sanadkii 2011.

Ciidanka AMISOM oo qaata mushaarka ugu badan ee aay qaataan ciidan ka tirsan wadamada Afrika, ayaa waxaa  ay bilaabeen in aanay dhiigooda u daadin dal aan dalkooda ahayn. Inkastoo AMISOM ayan dalka ka xureynin AL Shabaab hadana waxa ay ku guuleysteen in ay dowlada ku ilaaliyaan deeganada yar oo ay ka howlgasho madaama ayan jirin ciidan difaaci kara xarumaha dowlada oo ay ku jirto Villa Soomaaliya.

Waxaa muuqata in Dowlada Soomaaliya ee hadda jirtaa ayan marnaba awoodin in ay dalka ka xureyeso kooxda  Al Shabaab amaba ay sameeyso ciidanka kala wareego AMSION difaaca dalka. Iyada oo taa jirto ayaa hadana waxa ay dagaal siyaasaseed ku qaaday qaar ka mida wadamada ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya sida Jabuuti.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!