Wadaniyada iibka ah: Halkeey ka baxeen kooxdii Qayladhaan oo ku ganacsan jirtay magaca Ciidanka?

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Qayladhaan oo hogaanka u hayo Cabdi Shire Jaama iyo walalkiis fanaan Xuseen Shire ayaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigi jireen heeso wadani ah kuwaas oo intooda badan ku wajahnaa Ciidanka Xooga Dalka. Waxa ay dhaleeceen iyo aflagaado u geysan jireen dadka ay ku sheegi jireen in ayan taageerin qadiyada Ciidanka Qalabka Sida?

Iyada oo ciidankii Soomaaliyeed sheeganayaan baahi iyo mushaar la’aan ayaa hadana kooxdii Qayladhaan hawada ka baxday. Ma jirto meel ay uga hadleen ama ay ku muujiyeen dareenkii wadaninimo oo ay u horay sheegan jireen.

Qadiyada Soomaalinimada ayaa waxa la adeegsadaa kaliya marka uu xukunka dalka hayo beel aan ahayn beesha aad ka dhalatay. Ilaa iyo markii  la dooratay Farmaajo oo ay shaqsi  ay isku heeb yihiin  ayaa  kooxda Qayladhaan waxaa ay soo afjareen wadaniyadii ay sheegan jireen. nasiib xumo lama arag ayaga oo ka hadlaya qadiyad Soomaaliyeed ama muujinaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar haan ciidankii ay magaciisa ku ganacsan jireen

Waxaan shaki ku jirin in wadaniyadii ay u muujin  jireen Soomaalida ay ahayd mid iib ah oo cidii lacag bixiso loogu sheekeeyo. Kooxda Qayladhaan ayaa bil kastaa waxa loo diraa lacag joogta ah taas oo laga soo diro xafiiska Farmaajo iyada oo lacagta uu soo diro Afhayeenka Xafiiska Farmaajo Abdinor Maxamed.