Wadamada Islaamka oo maalinta berito ah looga dabaaldagayo Ciid

Reading Time: < 1 minute

Waxaa saacado ka hor si rasmi u faafisay in maalinta berito tahay maalin ciid ah Dowlada Boqotooyada Sacuudiga. Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha diinta Sacuudiga Sultan Bin Saeed Al Badi ayaa sheegay in Maanta ay tahay Maalintii ugu dambeysay Bisha Ramadan Berrina ah tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Shawaal.

Waaa sidoo kale ku dhawaaqday in ay berito tahay ciid dowlada Turkiga. Go,aankaan oo kasoo baxay maxkamadda Sare ee Boqotooyada  Sacuudiga ayaa yimid kadib markii guddiga ay Dowladda u xir saartay raadinta Bisha Shawaal ay soo sheegeyn inay Bisha arkeyn.

Illaa hadda go,aan kama soo bixin dowladda Soomaaliya inkastoo la aaminsan yahay in go’aanka Dowladda uu ku xiran yahay kan Sacuudiga. Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in bisha laga rakat gobolka Shabeelada Hoose